Wararka

Puntland ayaa beenisay warkii al-Shabaab ee ahaa inay la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka…


Xilli Ururka Al Shabaab uu shaaciyay inay la wareegeen deegaano u dhaxeeyo Degmooyinka Laas-qoray iyo Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa taasi beenisay Puntland.

Taliyaha Ciidamada Puntland ee aagga Gobolka Sanaag, General Cabdullaahi Cumar Canshuur ayaa sheegay in Shabaabku qaab dhuumaaleysi ah ku jooggaan Gobolka Sanaag, balse aysan jirin meel ay si rasmi ah uga hawlgalaan.

“Dad dhuumaaleysanayo weeye ee waxay qabsadeen iyo meel ay haystaan, midna ma jirto.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Puntland ee aagga Gobolka Sanaag.

Taliyaha oo la hadlay BBC ayaa yiri “Al Shabaab waa dad fitno-wadayaal oo shar-wadayaal ah oo ummadda dilaya, meel kastana dhuumasho iyo wax la mida ayay ku taggaan, laakiin meel ay fariisin ku leeyihiin hadda oo Gobolka Sanaag ah ma jirto.”

General Canshuur ayaa sheegay in Shabaabka ku dhuumaaleysanaya Gobolka Sanaag sida uu sheegay aanay lahayn awood ay ugu babac dhigi karaan Ciidamada Puntland, markasta oo ciidamada ku baxaana ay cararaan.

Marka laga soo taggo sheegashada Al Shabaab iyo beeninta Puntland ayaa waxaan jirin warar madaxbannaan oo amuurtaasi xaqiijin kara.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: