Wararka

Rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo…


Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Mas’uulkan ayaa la dilay xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadda Duhur.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay tageen goobta ay toogashadu ka dhacday, halkaa oo ay ka bilaabeen baaritaanno la xiriira dadka toogashadan geystay, mana jirto cid sheegatay dilkan in ay ka danbeysay ama ay u qabteen ciidamada amaanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: