Wararka

RW Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka QM ee Somalia Amb. James Swan…


Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia, Amb. James Swan.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobey ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka, ammaanka iyo dardargelinta iskaashiga horumarinta ee Somalia.

“Waxaan kulan wax ku ool ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia, James Swan, waxaana ka wadahadalnay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo kor u qaadista iskaashigeena horumarinta Somalia.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Beesha Caalamka ayaa gadaal ka riixeysa in doorashooyinka dalka lagu qabto waqtigooda, iyadoo dib u dhac laga foggaanayo.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kal hore ballanqaaday in doorashada ku dhici doonto xilligeeda, waxaana uu meesha ka saaray wax kasta oo dib u dhac keeni kara.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: