Wararka

Somaliland ayaa bayaan ku shaacisay inay hakisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay UN-ka iyo S/land…


Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay dhammaan barnaamijyadii iyo qorshayaashii shaqo ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaanadeeda.

Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland, ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacisay inay hakisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay UN-ka iyo Somaliland.

Maalintii shalay oo ku beegnayd 25-ka bisha Octobar ayuu go’aankaan si rasmi ah uga dhaqan galay Somaliland, sida bayaanka lagu sheegay.

Somaliland ma sheegin sababta ay go’aankaan u qaadatay.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay heshiis cusub ah la saxiixatay Dowladda Federalka Soomaaliya, heshiiskaas oo baddali doona heshiiskii hore oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

Heshiiska wuxuu tilmaamayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030.

Waxaa kaloo heshiiska qeyb ka ah, balse aan saxaafada laga sheegin, in Dowlada Federalka Soomaaliya lasoo marsiinayo dhammaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12278 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: