Wararka

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyey haweeneydii Trump u soo xushay maxkamadda Sare…


Aqalka Senate-ka ee Congress-ka Maraykanka ee xisbiga Jamhuurigu uu ku badan yahya ayaa Isniintii shalay madaxweyne Donald Trump siiyey guul doorashada ka hor ah, ka dib markii ay ansixiyeen haweenaydii uu u soo xulay inay garsoore ka noqoto maxkmadda Sare, Amy Coney Barrett.

Ansixintan ayaa Maxkmadda Sare ka dhigeysa mid garsoorayaasha aragtida muxaafidka ah haystaa ay ku badan yihiin, kuwaas oo noqonaya 6, halka kuwa aragtidoodu furfuran tahayna ay yihiin 3.

Xubnaha Aqalka Senate-ka ayaa mid walbaa xisbigiisa la codeeyey markii la ansixinayey Barrett, xilkan oo ah mid abadi ah. Waa ansixintii 3aad ilaa intii Madaxweyne Trump uu xilka hayey.

Talaabadan ayaa guul u noqonaysa Madaxweyne Trump, oo kaalmo ka helaya hogaamiyaha aqlabiyadda Aqalka Sare ee Congress-ka Mitch McConnell.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: