Wararka

Banaanbax looga soo horjeedo Faraniiska ayaa ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer…

A child holds a photograph of France's President Emmanuel Macron, stamped with a shoe mark, during a protest against France in Istanbul, Sunday, Oct. 25, 2020. Turkish President Recep Tayyip Erdogan on Sunday challenged the United States to impose sanctions against his country while also launching a second attack on French President Emmanuel Macron. Speaking a day after he suggested Macron needed mental health treatment because of his attitude to Islam and Muslims, which prompted France to recall its ambassador to Ankara, Erdogan took aim at foreign critics. (AP Photo/Emrah Gurel)

Banaanbax looga soo horjeedo dowlada Faransiiska ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Burco Gobolka Togdheer ee Maamulka la magac baxay Somaliland.

Dadka ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Faransiiska, iyaga oo sidoo kale gubayay sawirka madaxweyne Emmanuel Macron .

Dadka ka dhex muuqday dibadbaxa waxaa ka mid ah ganacsatada magaalada oo sheegay inay joojin doonaan badeecadaha ka timaadda Faransiiska.

Ololaha qaadacaadda alaabta uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taa oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Macron, ka dib weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka”.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: