Wararka

Ilmo lagu dhex umulay musqul ku taala garoonka magaalada Doha oo dowlada Australia ka…


Dowladda Australia ayaa ka carootay, jawaabna ka dalbatay dowladda Qatar kadib markii 13 haween muwaadiniinteeda ah laga xanibay safarkooda kadib markii ilmo yar lagu dhex dhalay mid ka mid ah musqulaha garoonka diyaaradaha magaalada Doha ee Hamad International Airport.

Kadib markii ilmaha yar laga helay musqusha ayaa waxaa la hakiyay muddo afar saacadood ah duullimaadyada, khaasatan duullimaad u socday magaalada Sydney ee dalka Australia kaas oo dumarkii ku qornaa laga shakiyay, waxaana lagu amray dumarka in ay iska xaadiriyaan bannaanka iyagoona dokumentiyadooda wata.

Bannaanka ayaa waxaa loogu diyaariyay dhakhaatiir iyo ambalaas kuwaas oo baara soona saara haweeneyda cunuga umushay.

Mid ka mid ah dumarka la baaray ayaa warbaahinta u sheegtay in loo sheegay in la isbaarayo sababo la xiriira cunug laga dhex helay musqul ku dhex taal garoonka.

Haweeney Australiyaan ah ayaa ka bad-baaday baaristaasi kadib markii ay sheegtay in ay diblomaasiyad tahay.

Wali lama helin haweeneyda dhashay ilmaha.

Wasiirka arrimaha dibedda Australia Marise Payne oo shir jaraa’id ku aadan arrintan qabtay ayaa sheegay in ay ka xunyihiin “bahdilaadda” loo geystay muwaadiniinteeda islamarkaana ay dowladda Qatar ka dalbadeen xog ku saabsan arrintaasi, waxaana uu intaasi raaciyay in ay ka falcelin doonaan arrintaasi kadib marka ay ka helaan Qatar xogta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: