Wararka

M/weyne Erdogan ayaa dadkiisa ku booriyey in aysan iibsan alaabaha lagu sameeyo France…


Waxaa weli sii xumaanaya xiriirka Dowladdaha Turkiga iyo Faransiiska kadib markii madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu dadkiisa ku booriyay in aysan iibsan baddeecadaha lagu sameeyo dalka Faransiiska.

Fariin teleefishinka uu u mariyay shacabkiisa ayuu ku sheegay madaxweyne Erdogan dadkiisa in aysan iibsan Alaabaha lagu sameeyo dalka Faransiiska, isaga oo dhinaca kalana dunida Muslimka ugu baaqay in ay difaacaan dadka Musliimta ah haddii ay dowladda Faransiisku isku deydo Tacdiyo ka dhan ah.

Dowladda Turkiga ayaa si carro leh uga jawaabtay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kadib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH, madaxweyne Macron wuxuu horraantii toddobaaadkan sheegay in ‘ Faransiiska uusan is dhiibi doonin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: