Wararka

Biixi ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inay ka amar qaataan dowladda Somalia…


Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inay ka amar qaataan dowladda Soomaaliya isla markaana ay ku lug leeyihiin siyaasad.

Muuse Biixi oo ka hadlayay shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo maanta furmay ayaa sidoo kale sheegay in Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan uusan matalin Somaliland, balse ay soo dhoweynayaan ced walba oo “si ixtiraam ku jiro” u dooneysa inay ula shaqeyso.

“Sanadahan dambe hay’ado aan siyaasado gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa, ee ay ka mid yihiin hay‘ado badan oo isku magacaaba samafal oo dadka canshuurta bixiya ee dalalkooda lacag kaga soo uruuriya waxaanu gargaareynaa dad baahan oo aanu samafal u fidineynaa”

“Hay`ado badan oo ka mid ah sanadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimeysa ama aan ku habbooneyn qarannimada Somaliland, oo ah inay fuliyaan oo ay raacaan amarrada laga siiyo Villa Somalia ee dowladda ay iyagu ilaaliyaan ee ay mushaarka ka bixiyaan,markaas ayay u soo gudbiyaan Somaliland inay ku dhaqmaan, taasina ma suurtoobeyso”

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay habboon tahay in baahida ka jirta Somaliland uu maamulkiisu sheego uuna qosheyo mashaariicda laga hirgelinayo hay’adii ama cidii kale ee aan dooneyna ay kaalmadeeda ceshato.

Shir ay dhowaan yeesheen golaha wasiirrada Somaliland ayaa laga soo saaray amar ah in hay`adaha QM ay hakiyaan howlaha ay ka hayaan Somaliland, “inta xal laga garayo”.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: