Wararka

Dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan shacab careysan ayaa ka socda magaalada Philadelphia…


Maalinkii labaad ayaa waxaa qeybo ka mid ah magaalada Philadelphia ka soconaya dibedbaxyo rabshado wata kuwaas oo ay dhigayaan shacab ka careysan dilka ay boolisku u geysteen maalintii Isniinta nin dhallinyaro oo madow ah.

Ninkan ay boolisku dileen oo magaciisa lagu sheegay Walter Wallace Jr. (27-jir) ayaa labo boolis ah ay rasaas ku fureen xilli uu diiday in uu dhigo mindi uu sitay, waxaana dhimashadiisa lagu dhawaaqay markii isbitaalka la geeyay.

Dibedbaxyada ayaa isu badalay kuwo rabshado wata oo ay booliska iyo dibedbaxayaashu ay isku farasaareen, waxaana sidoo kale la bililiqeystay goobo dhowr ah oo ganacsi.

Duqa gobolkaasi Tom Wolf ayaa u yeertay ciidanka xoogga si ay uga caawiyaan dib usoo celinta kala dambeynta.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ninka madowga ah ee la dilay oo mindi lasoo aadaya booliska toogtay oo caddaan ahaa.

Qoyska marxuumka ayaa booliska ku eedeeyay isticmaalka awood saa’id ah oo dhalisay dhimashada wiilkooda.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli isbuuc uun ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimo ee dalkaasi Mareykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12194 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: