Wararka

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa la sheegay in laga helay cudurka coronavirus…


Sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters waxaa cudurka coronavirus laga helay madaxweynaha FIFA Gianni Infantino (50-jir).

Warkan ayay walaadda wararka Reuters ay kasoo xigatay FIFA qudheeda oo baraheeda bulshada ku shaacisay.

Waxaa ay wakaaladdu sheegtay in muddo 10 casho ah uu iskiis isu karantiilay islamarkaana uu dareemayo calaamado yar-yar oo cudurkaasi ah.

Nuqul ka mid ah qoraalka ay FIFA soo saartay ayaa waxaa looga codsaday dhammaan dadkii ka agdhawaa amaba la kulmay maalmihii u dambeeyay in ay baaris isku sameeyaan.

Arrintan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli xubno caan ah oo ka tirsan bahda kubadda cagta laga helay cudurkaasi COVID19.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: