Wararka

RW Rooble ayaa kula dardaarmay wasiirka cusub ee Waxbarashada inuu wada shaqeyn wanaagsan…


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo wasiir ku xigeenka hore ee wasaaradda waxbarashadda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay wasiirka cusub ee waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji inuu wada shaqayn wanaagsan la yeesho dowlad goboleedka Puntland, iyadoo la ogyahay in wasiirkii hore ee waxbarashada uu ka tagay khilaaf xoogan oo dhinaca shahaadada ah.

“Waxaa loo baahan yahay in la mideeyo manhajka Soomaaliya, si uu u noqdo mid loo wada dhan yahay, hadaba si taas loo gaaro waxaa looga baahan yahay wasiirka cusub inuu wada shaqayn dhow la yeesho Puntland, si looga baxo caqabada midaynta manhajka,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu kula dardaarmay wasiirka waxbarashada inuu wax ka bedelo waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka maqnaa goobta xil wareejinta, waxaana xilka wareejiyay wasiir ku xigeenkiisii.

Wasiirka cusub ee waxbarashada ayaa laga sugayaa sida uu u wajaho caqabadaha dhinaca waxbarashada ee kala dhexeeya Puntland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: