Wararka

Turkiga ayaa sheegay inuu ka fal-celin doono sawir gacmeed lagu aflagaadeeyey Erdogan…


Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay ka fal-celineyso weerar sawir-gacmeed ee wargeyska caricature-ka Charlie Hebdo ku aflagaadeeyey madaxweynaha dalkaasi Turkiga Erdogan.

Falcelintan ayuu Turkigu ku sheegay in ay isugu jiri doonto mid maxkamadeed iyo mid diblomaasiyadeed.

Sawir-gacmeedka ayaa muujinya madaxweyne Erdogan oo kastuumo sita islamarkaana kursi ku fadhiya, gacantana ku haysta cabitaan aan la cayimin, gacanta kala dabada uga feydaya haweeney xijaaban.

Sawirkan ayey dowladda Turkigu sheegtay in uu fidinayo cunsuriyad dhanka dhaqanka ah, aysana u dulqaadan doonin.

Dhawaan ayey aheyd markii uu khilaaf ka dhashay hadallo kasoo yeeray madaxweynaha Fransiiska Macron oo khilaaf ka dhex abuuray isaga iyo madaxweyne Erdogan.

Sawir-gacmeedkan ayaa ka dhashay khilaaf kale oo hor leh.

Wargeyska daabacay sawir-gacmeedka ayaa horay loo weeraray xaruntiisa, waxaana looga dilay dhowr shaqaale kadib markii uu sawir-gacmeed ka sameeyay Nebi Muxammad (NNKH).

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: