Wararka

Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice ayaa lagu dilay seddax qof.


Seddax qof ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay maanta oo Khamiis ah weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice ee koonfurta Faransiiska, sida laga soo xigtay ilo booliska magaalada ah.

Booliska Nice ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay agagaarka kaniisad ku taal bartamaha magaalada 9-kii subaxnimo xilliga maxalliga ah.

Waxay tilmaamtay in la qabtay ninka weerarka gaystay su’aalana laga waydiinayo.

Wakaalada wararka ee France-Presse oo soo xiganeysa booliska Nice ayaa sheegtay in ugu yaraan mid kamid ah dhibanayaasha la gowracay.

Waxay sharaxaad ka bixisay in nin iyo naag lagu dilay kaniisadda “Notre Dame”, halka mid saddexaadna uu dhintay ka dib markii si xun loogu dhaawacay baar u dhawaa halkaas oo uu gabaad ka helay.

Christian Estrosi, duqa magaalada Nice, wuxuu carabka ku adkeeyay in xogaha ugu horreeya ay muujiyeen in weerarka uu ahaa mid argagixiso.

Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamada booliska Faransiiska oo ku hareeraysan goobta weerarku ka dhacay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Faransiiska ayaa sheegay in howlgalo ammaanka lagu sugayo ay ka socdaan magaalada Nice.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay duqa magaalada in eedeysanuhu uu ku celcelinayey, “Ilaahay baa weyn,” xitaa ka dib markii ay booliisku xireen.

Duqa magaalada ayaa sheegay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu dhawaan imaan doono magaalada.

Dacwad oogaha ka hortagga argagixisada ayaa ku dhawaaqay furitaanka baaritaanka “dil iyo isku day dil oo lala xiriirinayo urur argagixiso iyo koox argagixiso dambiilayaal ah.”

Afhayeenka booliska Florence Gavilo ayaa sheegtay in xaalada hadda gacanta lagu hayo.

falcelinta
Weerarkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay ka caraysan yihiin dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Faransiiska iyo guud ahaan Caalamka kadib markii Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu difaacay daabacaadda sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, iyo hadalkiisii ​​hore ee ahaa in diinta Islaamka ay dhibaato ka jirto meel kasta.

Falcelinti ugu horreysay ee weerarkii maanta, Kremlin-ka wuxuu yiri “waa wax aan la aqbali karin in waxyeello loo geysto dareenka diimeed, sidoo kalena waa wax aan la aqbali karin in dadka la dilo.”

Madaxweynaha baarlamaanka Yurub David Sassoli ayaa dhankiisa ugu yeeray dadka reer Yurub inay “u midoobaan rabshadaha iyo kuwa doonaya inay kiciyaan oo ay fidiyaan nacaybka.”

“Waxaan dareemayaa naxdin iyo murugo badan oo ku saabsan wararka ku saabsan weerarka naxdinta leh ee Nice. Waxaan dhamaanteen dareemeynaa xanuunkaan ka jira Yurub,” ayuu Sassoli ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Kaniisada Catholiga ayaa cambaareysay weerarka Nice, iyadoo cadeysay in “Masiixiyiintu aysan astaan ​​u aheyn in la dilo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12291 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: