Wararka

Dagaal dhex maray Qowmiyadaha Canfarta iyo Soomaalida ayaa la sheegay inay dad badan…


Dagaal dhaxmaray labada Qowmiyadood ee Canfarta iyo Soomaalida ayaa lagu waramayaa in lagu dilay 27 ruux, sida lagu sheegay War ka soo Dowladda Itoobiya.

Dagaalka labada Qowmiyiadood ayaa salka ku haya muran dhinaca xudduudaha oo muddo dheerba soo jiitamayay, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaalo uga dhaceen xadka labada dhinac ee Ismaamul.

”27-ka qof ayaa loo dilay “sababo la xiriira isku dhacyo ka dhacay xuduudaha Soomaaliya iyo Canfarta”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xukuumadda Itoobiya.

Cali Bedel oo ah Afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay dilkan wuxuuna eedeyn dusha uga tuuray maleeshiyada ka soo jeeda deegaanka Canfarta ‘Maleeshiyada maxalliga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka,” ayuu u sheegay Reuters.

Rabshado is daba-joog ah oo goos goos ah ayaa ruxay Itoobiya tan iyo markii Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu xukunka qabtay 2018.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: