Wararka

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay Badda Aegean Sea, kaasi oo burbur u geystay magaalada Izmir…


Dhulgariir xoog badan ayaa ku dhuftay Badda Aegean Sea oo u dhaxeysa Turkiga iyo Greega, kaasi oo geystay burbur guryo magaalada Izmir ee galbeedka Turkiga, waxay saraakishu sheegeen in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Tsunami yar ayaa ka dhacay magaalada Izmir, taasi oo keentay in ilaa lix qof ay ku dhintaan magaalada seddaxaad ee ugu weyn dalka Turkiga, waxaa kaloo la sheegay in dhul gariirkaasi ay ku dhaawacmeen 202 qof sida ay sheegtay ha’yada maareynta masiibooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Yavuz Selim Kosger ayaa sheegay in ugu yaraan 70 qof laga soo badbaadiyey gudaha burburka, wuxuu ku daray in afar daarood ay burbureen ila iyo 10 daaroodna dumeen.

Baadigoobka ayaa weli socda haddii dad nool ay weli ku xaniban yihiin gudaha burburka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: