Wararka

Gaari ku socday xawaare aad u sareeya ayaa ku dhacay mid ka mid ah albaabada Xaramka…


Gaari ku socday xawaare aad u sareeya ayaa galay xeyndaabka ku hareeraysan Masjidka weyn ee Makka, kadib markii uu ka baxay jidkii uu ku socday oo ku dhacay mid kamid ah albaabada Masjidka weyn.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyey muuqaalo kooban oo fiidiyow ah, oo muujinaya gaari cawlan ah oo ku dhacaya darbiyada barxadaha dibadda ee Xaramka, ka hor inta uusan ku dhicin mid ka mid ah irdaha.

Dhacdadan la yaabka leh ee nooceeda ah ayaa keentay in baaritaan lagu sameeyo, sida uu sheegay Sultan Al-Dossari, oo ah afhayeenka Imaarada Makka, qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ee Imaarada.

Al-Dossary ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee Makka ay baarayaan shilka gaari ee ku dhacay mid ka mid ah albaabada Masjidka weyn, taasoo ka dhalatay markii wadaha uu ka baxay wadada asaga oo ku socday xawaare sare wadooyinka ku hareereysan fagaaraha koonfureed ee Xaramka.

Wuxuu xaqiijiyay inaysan jirin cid wax ku noqotay, qofka la qabtay oo ahaa muwaadin ayaa la xiray isaga oo ku sugnaa xaalad aan caadi ahayn, waxaana loo gudbinayaa Xeer ilaalinta guud, iyadoo aan faahfaahin dheeri ah laga bixin ujeedooyinka shilka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: