Wararka

Koox burcad ah ayaa toogasho ku dishay labo muwaadin Soomaaliyeed dalka Koonfur Afrika…


Wararka laga helayo dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in koox burcad ah toogasho ku dishay Labo muwaadin Soomaaliyeed ah deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Sida ay warbaahinta u sheegeen ganacsato ku dhaqan deegaanka ay toogashada ka dhacday Labada dhalinyarrada ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdisalaan iyo Qeys, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii toogashada geysatay.

Isla deegaanka ay toogashada ka dhacday ayaa lagu waramayaa in koox burcad ah dhaawac halis ah ugu geysteen ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaa oo hadda lagu dabiibayo goob caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee dalka Koonfur Africa ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabteen weerarkaasi.

Dalka Koonfur Africa ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa ganacsato Soomaaliyeed iyadoo dowladdu-na ilaa iyo hadda wax talaabo ah arintan ka qaadin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: