Wararka

MW Farmaajo ayaa sheegay in dalkiisa uu masiibada la dareemayo M/weynaha iyo Shacabka Turkiga…


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyay madaxweynaha iyo shacabka Turkiga dhul gariirkii ka dhacay dalkaas oo ay ku dhinteen ilaa 30 qof.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dalkiisa uu musiibada la dareemayo madaxweynaha iyo shacabka Turkiga isagoo yiri ‘waxaan la qeybsanaynaa dhibaatada dhul gariirka Jamhuuriyadda Turkiga.’

Ugu yaraan 20 dhisme oo ku yaal magaalada Izmir oo keliya ayaa ku burburay dhul gariirka sida uu sheegay duqa Magaalada Tunc Soyer.

In kabadan 800 oo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dhul gariirka.

Howlgallada samata bixinta ayaa wali ka socda 17 dhisme, oo afar ka mid ah ay burbureen, sida uu sheegay Murat Kurum, Wasiirka Deegaanka iyo Magaaleynta Turkiga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: