Wararka

Dowladda Canada ayaa qorsheyneysa inay qaabisho qaxooti ka badan 1 million sanadaha 2021-2023…


Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorshaheeda ku aadan qaabilaada qaxootiga (2021-2023), waxayna sheegtay in ay bartilmaameedsan doonto heerka ugu sareeya ee qaadashada soogalootiga.

Saddexda sano ee soo socota, Canada waxay shaacisay inay higsaneyso inay soo dhaweyso oo ay deganaasha cusub oo joogto ah siiso boqolaal kun oo qaxooti ah.

Qorshahan oo ka billaabanaya Sanadka soo socda ee 2021, ayay Canada ku qaadan doontaa 401,000 qaxooti ah. Sanadka ku xigana (2022), waxay qaadan doontaa 411,000 halka sanadka 2023 ay qaadan doonto 421,000.

Qaxootigii ugu badnaa ee ay Canada soo dhaweyso oo gaarayay in ka badan 400,000 oo muhaajiriin ah ayaa ahayd sanadkii 1913.

Tan iyo waqtigaas kadib, ma jirin tiro intaas le’eg ama u dhow oo ay Canada dalkeeda kusoo dhoweysay.

Horaantii sanadkan, bishii Maarso 12-keedii, dowladda Canada waxay ku dhawaaqday inay soo dhaweynayso in ka badan hal milyan oo qaxooti cusub ah oo helaya deganaansho rasmi ah inta u dhaxeysa 2020 iyo 2022.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: