Wararka

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in xukuumada aysan xaq u lahayn inay soo magacowdo…


Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya in aysan xaq u lahayn inay soo magacowdo guddiga maamulaya doorashooyinka Wakiilada Gobolada Waqooyi u matalaya labada aqal ee barlamaanka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha, ayuu ku sheegay in xukuumada Soomaaliya isku dayayso in ay magacaabayso guddigaan iyadoo la tashanaysa siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, laakiin wuxuu caddeeyay haddii tallaabadaas la qaado in ay dhaawac ku tahay hannaanka madax banaanida doorashada.

Gudoomiyaha Aqalka Sare wuxuu sheegay xukuumada Federalka in aysan xaq u lahayn in ay iyadu soo magacowdo guddiga doorashada, wuxuuna Gudoomiyuhu tilmaamay in la raacayo hannaankii doorashadii 2016.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: