Wararka

Labo qof ayaa lagu dilay magaalada Quebec ee dalka Canada, halka shan qof oo kalena dhaawacmay…


Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay magaalada Quebec City ee dalka Canada kadib markii lagu miday aalad afeysan, waxay ku dhinteen gacanta nin seef sitay oo xidhnaa dharka qarniyadii dhexe, sida ay sheegeen booliska magaaladaasi.

Shan qof oo kale ayaa dhaawacmay, nin da’diisa lagu qiyaasay labaatameeyada ayaa la qabtay waxyar ka hor markay saacadu aheyd todobo saac ee waqtiga maxalliga ah, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska ayaa ka codsaday dadka degan aagaasi inay guryahooda ku ekaadaan oo albaabada soo xirtaan inta baaritaanka weerarka uu socdo.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada qadiimiga ee taariikhiga ah ee magaalada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: