Wararka

Danjiraha Shiinaha ee Somalia ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalia…


Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si uu ula qeybsado dabaaldega sanad guurada 60aad ee aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kasoo bilowday bishii December 14, sanadkii 1960, iyadoo Soomaaliya ay ku jirtay dalalka waqtigaas xiriirka wanaagsan la lahaa Shiinaha.

Danjire Qin Jian ayaa tilmaamay iskaashiga labada dhinac inuu gaaray natiijooyin miro dhal ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa sheegay dowladdiisa in ay si togan ugu dhiirri galinayso shirkadaha Shiinaha inay maalgashadaan Soomaaliya oo ay dhisaan aag ganacsi oo xor ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12278 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: