Wararka

Roob mahiigaan ah oo lagu diirsaday ayaa xalay ka da’ay magaalada Mogadishu…


Roob mahiigaan ah oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa biyo dhigay inta badan waddooyinka waaweyn taasoo keentay inuu istaago gaadiidka dadweynaha.

Dadweyne faro badan ayaa lagu arkayaa iyagoo lugeynaya jidcaddeyaasha xaafadaha oo laftigooda uu biyo dhigay roobkii xalay.

Roobka oo socday dhawr saacadood oo xiriir ah ayaa sidoo kale keenay inuu soo rogmado daad saamayn ku yeeshay xeryaha dadka gudaha ku barakacay.

Kuxigeenka duqa magaalada Muqdisho Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in guri ku yaalla degmada Hawlwadaag uu dumay intii uu xalay roobku da’ayay isla markaana la badbaadiyay qoyskii gurigaasi daganaa kadib markii loo gurmaday.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in booyado waaweyn loo diri doono waddooyinka xirmay si ay biyaha uga saaraan.

Roobka dayrta ayaa ka curtay Muqdisho iyo hareeraheeda taasoo baqdin weyn ku haysa boqollaalka kun ee qof ee gudaha ku barakacay ee ku jira xeryaha gudaha iyo daafaha magaalada ku yaala maadaama aanay haysan hoy ay ka gali karaan daadadka ka soo rogmada roobka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: