Wararka

Trump ayaa beeniyey inuu si degdeg ah ugu dhawaaqi doono inuu ku guuleystay doorashada…


Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyay warbixin ah inuu si deg deg ah ugu dhawaaqi doono inuu ku guuleystey doorashada madaxweynenimada dalkiisa habeenka talaadada haddii ay u muuqato inuu ka horeeyo ‘Joe Biden.

“Maya, maya taasi waxay ahayd warbixin been ah,’ ayuu u sheegay suxufiyiinta ka dib markii uu ka degay North Carolina oo uu halkaas kula hadlayay taageerayaashiisa.

Laakiin Trump wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu u diro qareennadiisa gobolada sida Pennsylvania oo kale si ay u hubiyaan codbixinta.

Hadalka Trump ayaa kusoo aadaya iyadoo maalin kaliya ay ka dhiman tahay doorashada madaxtinimada Maraykanka oo ku beegan maalinta berito ah.

Madaxweyne trump ayaa loolan adag kala kulmi doona musharaxa la tartamaya Joe Biden, oo kaga horeeyay codbixino tijaabooyin ah oo horey loo sameeyay.

Soomaalida ayaa kamid ah dadka sida aadka isha ugu haya doorashada Maraykanka maadaama ay kamid yihiin dalalka Muslimka ah ee madaxweye Trump uu kusoo rogay xayiraada ka dhanka ah inay u safraan Maraykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: