Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa meel mariyey hindise sharciyeedka dhismaha Hay’adda…


Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda caadiga ahaa oo ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxay ku ansixiyeen sharci muhiim ah.

Kulanka oo ay Shir Guddominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa waxaa lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 143 Mudane waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed majirin wax diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sharciga uu ansax yahay, waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Dhanka Kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad Marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka (Immigratin Bill), iyada oo lagu balamay in dib la isugu soo laabto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: