Wararka

Ganacsatada kalluunka qalalan ee Lamu ee Kenya ayaa codsaday in dib loo furo xadka Kenya-Somalia…


Ganacsatada kalluunka qalalan ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, ayaa codsaday in dib loo furo xadka Lamu iyo Soomaaliya si ay awood ugu helaan in ganacsigoodu u gudbo Soomaaliya.

Xuduudaha ayaa laga mamnuucay ganacsatada labada dal inay is dhex galaan iyo inay ganacsi yeeshaan.

Ganacsatada Lamu waxay kalluunka qalalan ka iibsan jireen magaalooyin ay ka mid yihiin Kismaayo iyo Muqdisho oo ka tirsan Soomaaliya.

Bishii April ee sanadkan, hay’adaha amniga ayaa qabtay oo ay gubeen wax ay ugu yeereen shixnad sharci darro ah oo kalluun qalalan ah oo culeyskiisu ahaa 12 tan, qiimihiisuna ahaa Sh5 milyan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: