Wararka

Nin hubeysan ayaa weerar dad ku dhintay ka geystay magaalada Vienna ee dalka Austria…


Nin hubeysnaa ayaa xalay toogasho ka geystay Magaalada Vienna ee Caasimadda Wadanka Austria.

Warbaahinta Austria ayaa qoreysa in ninkaasi uu weeraray Macbad Yahuudda ku leedahay Magaalada Vienna, isla-markaana uu toogasho ku dilay ugu yaraan afar qof, halka dhawr qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Israsaaseyn ayaa dhex martay ninkaasi iyo Ciidamada Booliska oo nawaaxigaasi ku sugnaa. Nin askari ah ayaana ku dhaawacmay israsaaseyntaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaaladda askari ay tahay mid culus, loona qaaday goobaha caafimaadka.

Wakaaladda Wararka Austria (APA) oo soo xiganeysa Wasiirka Amniga ayaa ku warantay in Ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen qof la tuhunsan yahay, isla-markaana uu baxsaday nin kale oo weerarkaasi lala xiriirinayo.

Dadka ku nool magaalada ayaa lagu wargeliyay inay isaga fogaadaan goobtaasi, iyadoona la faray inay guryahooda jooggaan.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Yahuudda ee Austria ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inaanu kala cadayn in bartilmaameedka uu ahaa Macbadkooda iyo inuu ahaa Ciidamadii Booliska ee goobta ka ag-dhawaa. Waxa kaloo uu sheegay in xilligii uu weerarku dhacayay uu xirnaa Macbadka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12293 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: