Wararka

Labo nin oo kufsi iyo dil u geystay gabar 14 jir aheyd oo Maxkamada Bosaso ku xukuntay dil…


Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bosaso ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo dhalinyaro ah oo kufsi iyo dil magaalada Bosaso ugu geystay gabadh dhalinyaro ah, kuwaas oo laamaha amnigu xalay soo bandhigeen.

Maxkamada ayaa qoyska marxuumada u xukuntay in labadaan nin loo mariyo qisaasta dilka ay u geysteen Naciimo Cabdi Maxamed oo ahayd 14 jir muddo qoyskeedu raadinayeen.

Dambiilayaasha xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Faray iyo cabdiraxmaan Maxamed Isaaq.

Sida aan xogta ku helnay marxuumada oo kasoo jeeda qoysaska barakacayaasha ee Puntland ku nool ayaa qoyskeeda ugu war dambeysay markii ay ka safartay magaalada Garowe.

Maalmo kooban oo ay Bosaso joogtay ayaa xilli habeen laga afduubtay, kadibna waxaa loo geystay dil iyo kufsi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: