Wararka

Maxkamad ku taal S/land ayaa xukun 5 sano oo xarig ah ku xukuntay mulkiilaha Astaan TV…


Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Maamulka Somaliland ayaa maanta Cabdimanan Yuusuf oo kamid ah mulkilayaasha Astaan TV, ku xukuntay 5 Sano oo xarig ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale Astaan Tv kusoo rogay xayiraad ka dhan ah inuu ka sii shaqeeyo Somaliland iyo ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah lacagta Somaliland ah.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta uu ku mutaystay ciqaab intaas le’eg, isagoo illaa bishii July ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa.

Qareenada u doodayay ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka lagu riday mulkilaha Astaan TV, waxayna tilmaameen in markii hore sharci darro lagu xiray, sharci darrana lagu xukumay.

Sidoo kale, ururka saxaafada Somaliland ayaa sidoo kale cambaareeyay xukunka lagu riday Cabdimanan, waxayna ku tilmaameen xadgudub weyn iyo cadaalad darro.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12291 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: