Wararka

RW Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyey Ciidamada difaaca in ay qaadaan howlgal ka dhan ah…

FILE PHOTO: Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed speaks during a media conference at the Elysee Palace in Paris, France, October 29, 2018. Michel Euler/Pool via REUTERS

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar buuxa ku siiyay Ciidamada Difaaca Qaranka ee ENDF in ay qaadaan howlgal ka dhan ah Ismaamulka Tigray-ga.

Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay Tigray-ga in ay isku dayayaan weerar ka dhan ah xero militari oo ku yaala dhinaca Waqooyiga, islamarkaana doonayaan in ay bililiqeystaan sida uu hadalka u dhiggay hanti Qaran oo uu militarigu leeyahay.

”Waxaa laga gudbay diilintii ugu danbeysay ee caseyd, ciidamada waxaan amreynaa in ay badbaadiyaan Qaranka, marar badan waxaan isku deynay in aynu ka fogaano dagaal ayuu yiri Abiy.

Waxaa uu kula dardaarmay dadka reer Itoobiya in ay mar walba si dhaw ula socdaan xaalada iyo wax is badali kara, islamarkaana taageerro u muujiyaan ciidamada howlgalka inta lagu guda-jiro.

Tigray-ga ayaa dalkaasi Itoobiya soo xukumayay ku dhawaad 30 sano ka hor inta uusan xilka qaban Abiy Axmed oo ka soo jeeda Qowmiyada Orormada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: