Wararka

Trump ayaa durbaba ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada iyadoo weli socoto…


Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee weli ka socota dalka Maraykanka.

Madaxweyne Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad labadii habeenimo ee saacadda Maraykanka ayaa shaaciyay inuu guulaystay.

“Waxaan u diyaar garoobaynay inaan ku guuleysano doorashadan, runtiina waan ku guuleysanay doorashadan” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa.

Ku dhawaaqidaan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo malaayiin codad aan weli la tirin.

Taageerayaasha xisbiga Dimuqraadiga ayaa si aad ah uga xumaaday hadalka Trump.

Natiijada doorashada Maraykanka ayaa ku xiran saddex gobol ee go’aamin doona cidda doorashada ku guulaysanaysa kuwaas oo kala ah, Wisconsin, Pennsylvania iyo Michigan.

Goboladaan ayaa weli tirinta codadkoodu socotaa.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu dacwad u gudbin doono maxkamada sare , isagoo sheegay in uusan aqbali doonin codad gadaal laga keenay.

Labada musharax ayaa hadda kala haysta, Trump 213, Biden 224.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: