Wararka

Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee DG Hirshabelle oo doortay guddoomiyayaal…


Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa u doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed oo helay codad gaaraya ilaa iyo 77 Cod, halka musharax la tartamay ee Maxamed Maxamuud Goodir uu isna helay Codad gaaraya 21, waxaa xumaaday hal Cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Cabdixakin Luqmaan uu ku guuleystay Doorashada, isla markaana uu noqon doono Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Dhinaca kale waxaa noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay xildhibaan Saadaq Salaad Warsame.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: