Wararka

Dowladda Itoobiya ayaa ku soo rogtay xaalad degdeg ah gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya…

OSLO, NORWAY - DECEMBER

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya, kadib markii Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed uu amray ciidanka difaaca Qaranka in ay talaabo milatari ka qaadaan TPLF oo ku eedeysan in ay weerareen saldhigyo ciidan.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in hadda gobolka laga jaray Internetka iyo Telleefoonka gaar ahaan magaalada Mekelle.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xumumadda uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii Tigray-gu soo gudbeen sida uu hadalka u dhiggay.diilanta Cas.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Abiy Ahmed sanadkii 2018 xiriirka Tigray iyo dowlada Federaalka ma ahayn mid wanaagsan, waxaana marar badan dhacay isku dhacyo dhaxmaray ciidamada iyo dad ka soo horjeeda dowladda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12291 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: