Wararka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay guddiga doorashada heer…


Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si weyn uga soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal oo ay dowladdu ku dhawaaqday isaga oo eedeyn u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu ka taggay xubnihii gobolada Waqooyi ee loo gudbiyay

”Waxaan cadey-neynaa in haddii ay ku jiraan liiska uu soo saaray Ra’iisal Wasaaaha xubno metelaya deegaan doorashooyinkeyga (Dir Waqooyi) in aysan aheyn kuwo aan annagu ka warqabo” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubnaha Gobolada Waqooyi ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaa oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare qalqalgalin siyaasadeed iyaga oo sheegay in uusan matalin sida ay hadalka u dhigeen kuraasta Gobollada Waqooyi.

Dhinaca Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku taageeray Guddoomiyaha Aqalka Sare doodiisa ku saabsan in uu xaq u leeyahay soo magacaabista Guddiga doorashada xubnaha Dowladda ku matalaya Gobolada Waqooyi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: