Wararka

Joe Biden ayaa ku dhow inuu ku guuleysto xafiiska Aqalka Cad inkastoo ay socoto weli tirintu…


Joe Biden oo ah musharaxa Xisbiga dimuqraadiga ayaa aamisan in uu guuleystay inkastoo wali guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka ay socto tirinta codadka la dhiibtay.

Musharaxa Dimoqraadiga wuxuu ku dhow yahay tiradii loo baahnaa oo aheyd 270 codadka Electoral Vote-ka, wuxuu hadeer marayaa 264 halka Trump uu joogo 214, weli waxaa la tirinayaa gobolada Georigia, Arizona, Pennsylvania, Nevada.

Dhinaca tartanka Senate-ka waxaa lakala marayaa 47-47 la arki doonee cida hesha 51 xubin, laakin waxaa loo badinayaa in Jamhuurigu uu aqlabiyada Senate-ka sii heysan doono.

Dimuqraadiga ayaa sheegay in doorashadan ay ka heleen codadkii ugu badnaa abid oo musharax Madaxweyne Mareykanka uu ku guuleysto.

Dimuqraadiga wuxuu sheegay in uu ku guuleystay codad gaarayo 70.5 malyan halka Trump uu ku guuleystay in ka badan 67.2 malyan cod.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa doorashadii sanadkii 2008-dii ku guuleystay codad gaarayo 69.5 malyan.

Dhanka kale, kooxda ololaha Trump ayaa doonayaa in la joojiyo tirinta codadka qeybo kamid ah gobolada Georgia iyo Pennsylvania halkaas oo kamid ah gobollada la isku hayo, lamana saadalin kara cidda ku guuleysan karto codadka goboladan.

Dacwadda ay gudbiyeen kooxda ololaha doorashada Trumpa ayaa waxaa ay ku sheegeen in mid ka mid ah kormeerayaashooda uu arkay mid ka mid ah shaqaalaha doorashada oo xilli dambe 53 cod ku daraya codadkii horey u gaaray deegaanka Chatham.

Laakiin haddana eedeyntaa ay soo jeediyeen kooxda ololaha Doorashada madaxweyne Trump ayaan marnaba wax saameyn ah ku yeelan sida ay u socdaan howlaha tirinta codadka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: