Wararka

QM iyo maamulka Somaliland ayaa bilaabay wada xaajood ku saabsan shuruudo cusub oo..


Qaramada Midoobay iyo maamulka Somaliland ayaa bilaabay wada xaajood ku saabsan shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN iyo hay’adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiayaan shir khadka taleefanka oo u dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mr. James Swan, maalintii Isniintii.

Somaliland waxay joojisay dhammaan hawlihii la xidhiidhay Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee UNCF ee ay kala saxeexdeen Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa ku eedeysay Qaramada Midoobay inay amarro ka soo qaadatay magaalada Muqdisho iskuna dayeen inay fuliyaan mashaariic aan la jaanqaadeynin Qorshaheeda Horumarinta Somaliland.

Ma cadda sida dowladda Soomaaliya uga falcelin doonto heshiis kasta oo toos ah oo dhexmara maamulka Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: