Wararka

Dowladda Uganda ayaa kala baxday qeyb ka mid ah ciidamadeeda ka tirsan AMISOM ee Somalia…


Dowladda Uganda ayaa kala baxday Soomaaliya qeyb ka mid ah ciidamadooda ka tirsan howlgalka Midowga Africa AMISOM.

Ciidamadan oo gaaray dalka Uganda ayaa tiradooda lagu sheegay 2,100, iyadoo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay xalay xarunta Tababbarka Howlgallada Taageerada Nabadda (PSO-TC) ee degmada Nakaseke.

Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca Wilson Mbasu Mbadi ayaa soo dhaweeyay kaas oo ku hadlayay magaca abaanduulaha ciidamada difaaca, wuxuuna ku yiri: “Si sharaf leh ugu soo dhawaada dalkiina adinkoo nagu matalay qadiyadda Pan Africa ee Soomaaliya”

Uganda ayaa ciidankeeda soo galisay Soomaaliya sanadkii 2007, waxeyna ku soo aadeysaa arintaan xilli la qorsheynayo in ciidamada Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya la saaro sanadka 2021.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: