Wararka

Joe Biden ayaa loo badinayaa in uu ku guuleysto Aqalka Cad, kadib maanta markii lagu…


Ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan Secret Service ayaa adkeysay ammaanka Joe Biden laga bilaabo maanta, iyadoo loo maleynayo inuu goor dhow ku dhawaaqi doono inuu doorashada ku guuleystay, sida uu qorayo wargeyska Washington Post.

Ammaanka ayaa la sugi doonaa, kadib markii kooxdiisa ololaha ay ku wargeliyeen waaxda inuu khudbad jeedin doono gelinka hore ee maanta (xilliga Mareykanka).

Haweeney u hadashay waaxdaasi, Catherine Milhoan ayaa diidday inay ka hadasho arrintaas, iyadoo sheegtay inaysan waaxdu wax ammaanka khuseeyo kala hadlin saraakiil sare.

Kalkaaliyeyaasha Biden sidoo kale ka hadlin arrintaas.

Biden iyo kooxdiisa ololaha waxay ku sugan yihiin xarun ku taalla Wilmington, Delaware.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12278 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: