Wararka

Turkiga ayaa ugu deeqay Somalia lacag looga khafiifinayo deynta ay ku leedahay IMF…


Turkiga ayaa siiyay ku dhowaad 3.4 milyan oo deyn ah oo Soomaaliya ay ku leedahay Sanduuqa Caalamiga ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), iyada oo qayb ka ah dadaallada la bilaabay horaantii sanadkan si looga cafiyo deymaha culus ee dalalka dakhligoodu hooseeyo.

Sida ku xusan Heshiiska Caalamiga ah ee la soo saaray 5-tii November, Turkiga wuxuu ugu deeqay Soomaaliya ilaa 3.4 milyan oo doollar oo loogu talagalay barnaamijka IMF ee Wadamada Saboolka ah (HIPC).

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhow iyo iskaashi tan iyo sanadkii 2011 markaas oo Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku tagay Soomaaliya intii ay jirtay abaartii adkayd.

Tan iyo wixii markaa ka dambeeyay, Turkiga wuxuu kaabayaasha dhaqaalaha, bani’aadamnimada iyo caafimaadka ka caawinayay Soomaaliya.

Horaantii bishii Maarso, IMF iyo Bangiga Adduunka waxay ansixiyeen Soomaaliya in ay u-qalanto deyn cafinta iyada oo loo marayo hindisaha Wadamada Saboolka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: