Wararka

Joe Biden iyo Kamala Harris ayaa ku guuleystay doorashadii Mareykanka ee la isku xiiqay…

Former Vice President Joe Biden, Democratic presidential nominee, left, and Senator Kamala Harris, Democratic vice presidential nominee, wear protective masks while holding hands outside the Chase Center during the Democratic National Convention in Wilmington, Delaware, U.S., on Thursday, Aug. 20, 2020. Biden accepted the Democratic nomination to challenge President Donald Trump, urging Americans in a prime-time address to vote for new national leadership that will overcome deep U.S. political divisions. Photographer: Stefani Reynolds/Bloomberg via Getty Images

Waxaa la shaaciyey in Joe Biden uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee ka dhacday dalka Mareykanka, kadib markii uu helay 284 cod ee Electoral College-ka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa arrintan si rasmi ah u shaacisey, Biden ayaa noqonaya Madaxweynaha ugu da’da weyn ee gala Aqalka Cad asaga oo da’diisu ay tahay 78 jir.

Sidoo kale Biden ayaa noqonaya qofkii seddaxaad ee ka guuleysta madaxweyne xilka haya hal xili.

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu badneyd ee dadka cododkooda ka dhiibtaan taariikhda inta la ogyahay, Biden ayaa helay in ka badan 74 milyan oo cod.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee dadka midabka leh oo noqota madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, haddii madaxweynaha uu waajibaadkiisa gudan waayo si kastaba iyada ayaa madaxweyne ka noqoneysa Mareykanka sida dastuurka Mareykanka uu qabo.

Trump ayaa diiday inuu ka baxo Aqalka Cad isaga oo u dhaqaaqay dhinaca iyo maxkamadaha, wuxuuna sheegay inuu yahay kan ku guuleystay doorashado ee looga Shubtay.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha guuleystay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: