Wararka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa mamnuucay isticmaalka daawada Tramandol oo ah xanuun…


Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa mamnuucay isticmaalka daawada Tramandol kadib markii maamulku sheegay in hab qaldan loo isticmaalay oo ay ka dhalatay dhibaatooyin caafimaad.

Tramadol waa daawo xanuun baabi’iye ah waxa loo isticmaalaa xanuunada daran sida kuwa jilbaha, kala qoysyada iyo xanuuno waqti badan jiray waxayna ka mid tahay dawooyin badan oo si qaldan loo isticmaalo taasina ay ka dhalato in uu qofku la qabsado mar walbana uu ku tiirsanaado isticmaalkeeda.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in dawadan ay balwad ka dhigteen dhalinayarada, taasoo u geysatay dhibaatooyin caafimaad oo halis ah oo keeni kara dhimasho.

Maamulku wuxuu amar ku bixiyay in farmashiyihii lagu arko isagoo dawadaas iibinayaa in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: