Wararka

Midowga Yurub ayaa ogolaaday inuu bixiyo lacag lagu taageerayo dalalka Somalia, Sudan iyo…


Midowga Yurub ayaa ogolaaday inuu bixiyo 17.2 milyan oo euro oo lagu taageerayo wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Taageeradan dhaqaale ayaa loogu talo galay wax ka qabashada xaaladdaha caafimaadka ee Geeska Afrika, si loo yareeyo saameynta dhaqaale ee aafada Covid-19.

Wakiilka Iskaashiga Caalamiga ee Midowga Yurub, Jutta Urpilainen, ayaa tiri: “Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Afrika waa aalad muhiim ah oo lagu taageerayo qaar ka mid ah dadka ugu nugul Geeska Afrika. Wuxuu horey u fuliyay in ay 4.8 milyan oo qof oo gobolka ku nool helaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, fayadhowrka iyo nafaqada.

Soomaaliya, waxaa si gaar ah loogu xusay inay 5 milyan ka heli doonto dhaqaalahan si looga caawiyo cawaaqibka cudurka faafa ee coronavirus.

Barnaamijkan waxaa looga dan leeyahay in la ilaaliyo dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo in la abuuro xaalado wanaagsan oo xagga horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: