Wararka

Warbixin la xiriirta saameynta cudurka Covid-19 oo maanta lagu wado in la horgeeyo…


Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta lagu wadda in la horgeeyo warbixin la xiriirta saameynta cudurka COVID-19 oo ah cudur guud ahaan marka la eego dunida dhibaato ba’an ku haya,

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargaliyay kulanka maanta iyo ajandayaasha horyaala oo kala ah Warbixin ku saabsan saameynta uu cudurkan COVID -19 uu ku yeeshey wax soo saarka cunada iyo ganacsiga.

Sidoo kale waxaa ajandaha maanta ee kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka ku jira akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka.

Cudurka Coronavirus oo ah cudur dilaa ah oo fara ba’an ku haya caalamka ayaa saameyn weyn ku leh dalkeena Soomaaliya oo wali kiisas ku saabsan laga soo sheegayo qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12293 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: