Wararka

Xildhibaanada DG Hirshabelle ayaa ansixiyey guddiga doorashooyinka Madaxweynaha iyo…


Mudanayaasha Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle ayaa maanta kalfadhigooda koowaad kulankiisa 4-aad ku yeeshay magaalada Jowhar waxayna ku ansixiyeen guddiga doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Fadhiga maanta ee Xildhibaanada Hirshabelle oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ajandihiisu ahaa meel marinta guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Hirshabelle oo lagu waddo in maalmaha soo socda lagu doorto magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ee maanta baarlamaanka Hirshabelle ansixiyeen ayaa lagu wada in ayagana ay soo saaraan jadwalka doorashada Madaxtinimada Hirshabelle goorta ay dhaceyso iyo waliba sida ay u dhaceyso xili beelaha Abgaal iyo Xawaadle ay isku haystaan cidda noqoneyso Madaxweynaha Hirshabelle taaso mudooyinkii dambe cabashadeedu meel sarre mareysay walina si cad aanan xal looga gaarin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12278 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: