Wararka

Biden iyo Harris ayaa jeediyey khudbadahoodii ugu horeeyey kadib markii la doortay…


Joe Biden ayaa sheegay in la joogo “waqtigii la bogsiin lahaa” America, khudbaddiisii ugu horraysay ee madaxwaynaha la doortay, wuxuu ballanqaaday “inuusan kala qaybin dalka laakiin uu midayn” doono.

“Midba ka kale fursad aynu siino,” ayuu yidhi Mr Biden, isaga oo la hadlaya dadkii ka codeeyay ee ka soo horjeeday.

Mr Biden ayaa ka adkaaday madaxweynaha xilka haya ee Donald Trump ka dib markii la tiriyey codadkii la dhiibtay doorashadii Talaadadii.

Mr Trump weli qirasho ma uusan samaynin, kamana uu hadal meel fagaare ah tan iyo markii guuldarradiisa lagu dhawaaqay intii uu ciyaarayay golfka.

Dabaaldegyo lama filaan ah ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ka dib markii warbaahinta ay shaacisay guusha Mr Biden Sabtidii. Taageerayaasha Trump oo ka careysan natiijada ayaa isugu soo baxay magaalooyinka qaar laakiin ma jirin wax warbixino ah oo ku saabsan falal dhacay.

Biden: ‘Waa inaan joojinnaa inaan kuwa inaga aragti duwan ula dhaqanno cadaw ahaan’
Isaga oo la hadlaya taageerayaashiisa oo ku faraxsan kuna sugnaa goob baabuurta la dhigto ee ku taal magaalada Wilmington, Delaware, Mr Biden wuxuu yidhi: “Waxaan ballan qaadayaa in aan noqon madaxweyne doonaya in la kala qaybsamo, laakiin aan mideeyo; Mareykanka. “

“Waxaa la joogaa waqtigii la iska dhaafi lahaa hadalada xanafta leh, heerkulka hoos loo dhigi lahaa, dib la isu arki lahaa, markale la is dhageysan lahaa,” ayuu yidhi Mr Biden. “Iyo si aan horumar u gaarno, waa inaan joojino inaan kuwa naga soo horjeeda ula dhaqanno sidii cadaw.”

Madaxweynaha la doortey, ayaa ku dhawaaqay inuu dhisi doono gudigiisa jawaab celinta coronavirus si loo hubiyo in uu diyaar u yahay inuu fuliyo go’aannadaas laga soo bilaabo maalinta caleema saarkiisa ee Janaayo.

Jawaabtii maamulka Trump ee aafada waxay ahayd badhtamaha ololahiisa madaxweynenimada, waxaana dhaleecayn culus jeedinayey Mr Biden. In ka badan 237,000 oo Mareykan ah ayaa dhimatay, waana in ka badan waddamada kale ee adduunka.

Harris: ‘waxaad doorateen midnimo iyo rajo’
Mr Biden waxaa masraxa kusoo dhaweysay kuxigeenkiisa Kamala Harris, taas oo dhigtay taariikhda ah haweeneydii ugu horreysay, ee madow ah uguna horeysay Aasiyaanka-Mareykanka ah ee madaxweyne ku xigeen loo doorto.

“Markii dimuqraadiyaddeennu ay ku jirtay codbixinta doorashadan, Ruuxdii Mareykanka ayaa halis ku jirtay adduunka oo dhamina isha ayay ku hayeen, waxaad maalin cusub u horseeday Ameerika,” ayay tiri.

“Waxaad doorateen rajo iyo midnimo, qaddarin, cilmi iyo haa, runti – waxaad u dooratay Joe Biden inuu noqdo madaxweynaha soo socda ee Mareykanka. Wadada soo socotana ma sahlanaan doonto laakiin Mareykanku waa diyaar, sidaas oo kale aniga iyo Joe-na waxaan nahay diyaar”

Waxa ay sidoo kale xustay daqiiqad taariikhi ah oo natiijada doorashadu calaamadeysay: “In kasta oo aan noqon karo haweeneydii ugu horreysay ee xafiiskan ah, ma noqon doono tan ugu dambeeysa.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: