Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa ku biiray madaxda caalamka ee u hambalyeeyey Joe Biden iyo…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku biiray madaxda caalamka ee u hambalyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ee la doortay.

“Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden iyo Madaxweyen Kuxigeenka la doortay Kamala Harris. Somalia waxay idin rajeynaysaa inaad ku guuleysataan dadaalkiina.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inay rajeynayaan in xiriir iyo iskaashiba yeeshaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mareykanka ku tilmaamay mid ay xulufo iyo bahwadaagba yihiin Somalia, gacana ka gaysta horumarinteeda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: