Wararka

Madasha Xisbiyada ayaa ka horyimid Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta heer Federaal…


Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay ka horyimaadeen Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee Heer Federaal, kadib markii xubno ka mid ah laga soo xulay sida ay sheegeen Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka.

Qoraal ay xalay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay inay tani baalmarsan tahay shuruucda dalka u degsan, heshiiskii doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka, isla-markaana ay dhaawaceyso kalsoonida lagu qabi karo inay doorashada dalka noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Madasha ayaa ku afeefatay in Madaxweynaha Qaranka iyo Ra’iisal Wasaaaha Xukuumadda, ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madaxbannaanida guddiyada iyo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12291 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: