Wararka

Trump oo niyad jab weyn ka muuqday ayaa xalay dib ugu soo laabtay Aqalka Cad ee Marekanka…


Madaxweyne Trump ayaa xalay dib ugu soo laabtay Aqalka Cad ee Mareykanka kadib saacado uu ku maqnaa goob lagu cayaaro ciyaarta golf-ka.

Trump ayaa dhismaha Aqalka Cad qaab qarsoodi ahaan ah ku soo galay albaab dhinac ku yaal isaga oo niyad jab weyn uu ka muuqdo isla markaana madaxa hoos u raaricinaya.

Kolonyada baabuurtii uu la socday ayaa waxaa ku buuqay oo fowdeeyay dad shacab ah oo u dabbaaldegayay guuldarradii uu kala kulmay doorashada.

Inkastoo Trump la filayo in uusan wax hadal ah jeedin, haddana kooxda u xilsaaran ololihiisa doorashada ayaa Biden ku eedeeyay in uu ka been sheegay guusha uu tirsanayo.

Kooxda Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay ku andacoonayay in doorashadu ay hareysay khaladaad badan balse marnaba ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah.

Inta badan xubnaha sar-sare ee xisbigiisa Jamhuuriga ka gaasbaday in ay ka hadlaan guuldarrada Trump balse Mitt Romney oo ka tirsan aqalka sare ee dalkaasi ayaa durbaba u hambalyeeyay Biden.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in isagu uu yahay musharraxa ku guuleystay doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12292 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: