Wararka

Afhayeenka Ururka TPLF ayaa sheegay inay soo rideen ciidamada degaanka Tigray diyaarad…


Afhayeenka Ururka TPLF Getachew Reda ayaa habeenimadii xalay mar uu ka hadlayay Warbaahinta degaanka Tigray ayaa sheegay in shalay ay soo rideen ciidamada degaanka Tigray diyaarad rabtay inay duqayso meelo u dhaw Maqale.

Getachew ayaa sidoo kale beeniyay war kasoo baxay Taliyaha Ciidanka ee Itoobiya oo sheegayay inay ciidanka Qaranka ee Itoobiya la wareegeen magaalooyin hor leh.

Ma jirto warar xaqiijinaya sheegashada labada dhinac ee ku saabsan guulaha uu mid walba sheeganayo iyo waliba khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan sii jiitamaya ee u dhaxeeya Ciidanka Fedaraalka Itoobiya iyo kuwa degaanka Tigray.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12293 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: